Diyaarad ku burburtey magaalada garbahaarey ee Somalia
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi ay ku bur burtay diyaarad doonaysay inay ka dagto Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaarey.
Masuuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey ayaa xaqiijiyay diyaaradaasi inay bur burtay, inkastoo aysan bixin macluumaad dheeri ah, haddana waxa ay sheegeen inay wadaan Baaritaan.
Diyaarada ayaa la sheegay inay aheyd mid siday agab kala duwan, balse lama oga inay agabkaasi u siday ciidamada Amisom ee ku sugan Degmada Garbahaarey iyo inay u siday Hay’addaha gargaarka ah ee Gobolka ka hawlgala.
Illaa hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay bur burka diyaaradahaasi maanta ku bur burtay Magaalada Garbahaarey.
Saraakiisha Amisom iyo maamulka Degmada ayaa hadda baaraya ciladda keentay inay diyaarada ku bur burto Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland oo si kooban uga hadlay diyaarada bur burtay ayaa sheegay inay wadaan Baaritaan, dibna ay ka bixin doonaan faah-faahinta.
La soco warkaan wixii ku soo kordha
Comments
Post a Comment