PowerPoint sida Loogu Daabaco Facebook Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, January 18, 2016 Click next lesson Su’aal uu akhriste #AqoonKaal isoo weydiiyey ayaa u qornayd sidan: Waxaan rabaa inaan page-kayga Facebook ku xiro ama ku daabaco PowerPoint ee sidee yeelaa? Su’aashaas uu isoo weydiiyey akhriste AqoonKaal.com, waxaana uga jawaabayaa si caam ah, si akhristayaasha kale ay ugu noqoto aqoon-kororsi. Sida caadiga ah Facebook-ga si toos ah looguma daabaci karo PowerPoint. Laakiin nasiib wanaag waxaa jira xirfad sahlan oo marka la adeegsado ay fududahay in lagu daabaco wixii uu xambaarsanaa PowerPoint, taas oo la xiriirta in loo badalo video. Arrintaas si aad u samaysid raac habkan: FG: nidaamkan si aad u raacid waa in aad adeegsatid PowerPoint 2010 iyo wixii ka dambeeyey. 1. Adigoo adeegsanaya barnaamijka PowerPoint, fur faylka aad doonaysid in Facebook ku daabacdid. 2. Faylku marka uu ku furmo barnaamijka PowerPoint: ...
Comments
Post a Comment