Gebagabada dunida! Gebagabada dunida! Culimadii hore iyo kuwa haatan joogaaba waxa ay in badan isku hawleen isla markaasna wax badan ka qoreen calaamadaha ama astaamaha lagu garto soo dhawaadka maalinta dunida la gabagabaynayo ama qiyaamaha. Walina may joogsan ee way socdaan ka hadalka laga hadlaayo astaamaha lagu garto soo dhawaadka qiyaamaha. Waxa aan shaki ku jirin in marka arrimaha noocan oo kale ah laga hadlayo aan loo doonanayn meel aan ahayn Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Axaadiistii Nebiga NNKH. Haddaba calaamadaha qiyaamaha waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: Calaamadaha yaryar: Oo u sii kala baxaya laba nooc: Nooca koowaad: calaamado fog Calaamadahani waa kuwo soo baxay oo la arkay isla markaasna waa calaamado yar yar oo muddo laga joogo dhicistoodii. Waxaana tusaale aynu usoo qaadan karnaa: Soo bixiddii Nebiga CSW, kala jabkii dayaxa iyo ololkii waynaa ee Madiina ka soo baxay. Nooca labaad: calaamado dhexe: Calaamadahani waa kuwo soo baxay siina...
Comments
Post a Comment